Thursday, May 23, 2013
   
Text Size

CARRUUR ABAALMARIN IYO BILLADO LA GUDOONSIIYAY

Waxaa maalintii tallaadada taariikhduna ay ahayd August 28, 2012 munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay lagu qabtay Xarunta Brian Coyle Center ee ku taala magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota.

Munasaabada ayaa waxaa loo qabtay carruur ama ciyaartoy Soomaaliyeed oo ay tiradoodu dhantahay 79. Carruurtan oo ay da’doodu u dhaxayso 4 ilaa 14 jir ayaa iyagu ciyaara kubadda cagta. Carruurtan ayaa waxay kamid yihiin ciyaartoy iyo kooxo ka dhisan magaalada Minneapolis oo iyagu ka qayb qaata Horyaalka Kubadda Cagta ee ay soo qaban qaabiyaan ururka PAL: Police Activity League. Carruurta ama ciyaartoyda ayaa iyagu kala degan labada xaafadood ee East Philips iyo Cedar Riverside.

Haddaba xafladan ay aa waxaa ka soo qayb galey, soona buux dhaafiyay goobtii kulanku ka dhacayey dad aad iyo aad u tiro badan oo iskugu jiray waalid, dhallinyaro, ciyaartoy, madaxda Booliska magaalada Minneapolis iyo macalimiin tobabara kubadda cagta.

Munaasabadan oo lagu soo bandhigay waxyaabo badan oo wax tar u leh laguna dhiiri gelinayo carruurta Soomaaliyeed ayaa waxaa ugu danbeyntii lagu soo gabagabeeyay in ciyaartooy kasta la gudoonsiiyo billad sharaf, sawir ay ku dhanyihiin kooxda uu ciyaartoy kasta u ciyaaro iyo haddiyado kale oo farxad geliyay dhamaan carruurtii iyo ciyaartoydii goobta joogtay.

Waxaa billadaha, sawirrada iyo koobabka bixinayay Officer Ali, Maxamed iyo Mou oo iyagu kamid ah ciidanka Booliiska magaallada Minneapolis. Ali iyo Maxamed ayaa iyagu ah agaasimayaasha barnaamijkan lagu caawinayo carruurta Soomaaliyeed iyaga oo la kaashanaya macalimiin tobabara kubadda cagta oo iyagu wakhtigooda ku tabarucay sidii ay u kaalmeyn lahaayeen carrurta Soomaaliyeed. Macalimiinta ayaa waxaa kamid ah Abdirahman Mukhtar, Sadiq Bayer, Abdullahi Yusuf, Cali Macalin, Coach Nuur, Coach Ali iyo macalin Abdirashiid iyo Fowsi.

 photo d993_zps33e549fc.jpg

 photo d957_zps95d4e5bc.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo d980_zps364668f7.jpg

 photo d956_zps3607d2af.jpg

 photo d918_zps3d37f986.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket

 photo d758_zps6b9a2433.jpg

 photo d771_zps51bdf753.jpg