Imow Aad Aflaxdide: Soo Xaadiristu waa Furaha Guulaysiga Ardayga

Dugsiyada Dadweynaha Minneapolis ayaa ku faraxsan inay idinku wargaliyaan in sannad dugsiyeedkii waxbarashadu si wanaagsan ku bilawday.
Waxaan aad ugu faraxsan nahay waxyaabaha aan mudnaanta siiayno sannadkan, kuwaasoo naga caawinaya inaan wanaajiyo waxbaridda iyo waxbarashada dugsiyadeenna. Waxyaabaha mudnaanta la siinaya waxaa ka mid ah bilawga ololaha cusub ee imow aad Aflaxdide (Attend To Achieve). Waxaan ogsoon nahay in imaatinku uu muhiim u yahay guul gaadhka ardayga, balse arday aad u fara badan ayaan si joogto ah dugsiga u imaanayn sidii caadiga ahayd. Waxaan ogsoon nahay in ardaydu u baahan tahay inay yimaadaan dugsiga si ay ugu guulaystaan dugsiga. Darraasado is daba jooga ayaa xaqiijiyey in ardayda oo dugsiga timaadda ay u horseeddo ku guulaysiga dugsiga. Ololaha Attend To Achieve ayaa kaabaya himilladeenna in ardayda oo idil ay dugsiga yimaadaan ugu yaraan 95% waqtiga dugsiga.
Ardayda timaadda duggsiga 95% waqtiga dugsiga ayaa:
• Hal iyo bar jeer ay u dhowdahay inay ku raad joogaan marinkii qalin jabinta waqtigii loogu talagalay
• Aad ugu wanaagsanaadaan xisaabta iyo akhriska
• Yaraataa eryidoodu
• Ay adag tahay inay fasal ku dhacaan
· Ay u badan tahay inay gaaraan hammigooda iskuna qoraan kulliyad
Waxaan ugu baaqaynaa bulshadu inay kaalmo ka geysato sidii ardaydu dugsiga u imaan lahaayeen- arday walba, maalin walba. Ardayda waxba ma aan bari karno haddii ayan dugsiga imaan. Raad reebka imaatinka ardayga oo joogto noqda ayaan ku koobnayn ardayga; wuxuu raad reeb ku yeelanaya hawl fulinta dugsi kasta iyo dugsiyada degmada, waxaa kale oo iyana ku xiran ammaanka iyo bulshooyin bed-qaba.
Maqnaanshaha xad-dhaaf ah ayaan ku koobnayn jinsiga, dakhliga, da’da iyo dhaqammada. Waa arrin bulsheed, waxay u baahan tahay in bulshadu wadajir u xalliso. Qofkasta ayaa door ka qaadan kara hagaajinta soo xaadirista ardayda- iyagoo la xiriirayo ardayda, ku dhiirrigalinaya inay dugsiga yimaadaan, isla markaasna dugsiyada ka dhigaan meel la xiiseeyo, ahna meel wax lagu barto oo soo dhawayn leh.
· Waxaan ku dhiirrigalinayna bulshadu ay kala hadlaan dhallinyarada ay la kulmaan muhiimmadda ay leedahay imaatinka dugsigu.
· Weydiiyaan ardayda aan dugsiga tegin/ka maqan sababta ay dugsiga u tagi waayeen.
· Yaqaanaan dhallinyarada bulshadooda – ardayda ayaan kala jeclayn aqoontaadu intay le’eg tahay ilaa ay ka ogaadaan inaad daryeelayso.
Macluumaad dheeraada waxaa ka heli kartaan shabakadda www.attendtoachieve.org.
Markii ay ardaydeennu wanaagsanaato, bulshadeennuna way wanaagsanaanaysaa. Balse inay karaankooda dadaalaan, ardayda ayaa doonaya una baahan xiriir daryeelayaal waaweyn- ma kala jecla waxaan naqaan ilaa inta ay ka ogaanayaan inaan daryeelayno. Waxaan idiinka mahad naqayna wax kasta ood samaysaan eed nooga caawini kartaan dadaalkan aan ku jirno.
Soo xaaddiristu waa muhiim. Arday walba waa muhiim, maalin kastana waa muhiim. Waxaad ku mahadsan tihiin taageeradiinna!
Dr. Bernadeia H. Johnson
Kormeeraha Guud ee Dugsiyada
Superintendent of Schools





















