Hay'ada ADC oo abaalmarino bixisay
Hay’ada ADC ee uu saldhigeedu yahay magaalada Minneapolis ayaa abaalmarino kala duwan gudoonsiisay ganacsiyo iyo hay’ado ay wada shaqeeyaan. Waa abaalmarinadii ugu horeeyay ee noocaan oo kale ah ee ay bixiyaan hay’ada ADC.
Waxaa kasoo qeyb galay hay’ado iyo ganacsiyo ay wada shaqeeyaan ama caawiya hay’ada ADC. Waxaa abaalmarinada la gudoonsiiyay Salama Child Care Center oo heshay award la magac baxay 2012 People’s Choice Award, Katar River Restaurant and Bakery oo helay 2012 Business of the Year iyo Dorsey & Whitney LLP oo iyaguna lagu abaalmariyay taageerada ay siiyaan ADC.
ADC waa hay’ada ugu weyn ee maalgelisa ganacsiyada dadka laga tirada badan yahay ee gobolka Minnesota. Waxaa aas aasay madaxna u ah Hussein Samatar.





















