Wednesday, June 19, 2013
   
Text Size

Ganacsade caan ah oo ku geeriyooday Minneapolis

Waxaa xalay magaalada Minneapolis ku geeriyooday alle ha u naxariistee Carab Ciise Xayd oo ahaa ganacsade caan ah oo si weyn looga yaqaanay Soomaaliya. Carab Ciise wuxuu dhalay Wasiirka Gaashaandhiga ee dowlada Soomaaliya Xuseen Carab Ciise.

Wasiirka wuxuu jooga magaalada Minneapolis. Wuxuu u yimid in uu soo booqdo aabihiis oo ay xaaladiisa sii xumaanaysay waqtiyadii dambe.

Qabuuraha Burnsville ayaa maanta lagu aasayaa. Waxaan idiin soo gudbinaynaa waqti yar ka dib aaska iyo taariikhda alle ha u naxariistee Carab Ciise Xayd.

 photo d1065_zps84c5f012.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo D1056_zps6f77caa2.jpg

 photo d1032_zps3d9c209b.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket