Friday, May 24, 2013
   
Text Size

Waxaa caawa dhintay alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullahi Yusuf



 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdullahi Yusuf Axmed ayaa caawa ku dhintay magaalada Dubai. Wuxuu Madaxweynaha dhintay 7:30PM waqtiga magaalada Minneapolis.

Dahir Mire Jabriil


“Madaxweynaha waa dhintay alle ha u naxariisto. Tacsi ayaan u dirayaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Sabar iyo iimaan alle ha ka siiyo” Sidaas waxaa yiri Dahir Mire Jabriil oo Madaxweynaha u ahaa Chief of Staff waqtigii uu Madaxweynaha ahaa.

Mudo dheer ayuu xanuunsanaa Madaxweynaha. 15 Sano ka hor ayaa laga badalay beerka. Aad ayuu u xanuunsanaa dhowrkii bilood ee ugu dambaysay.

Cabdullahi Yusuf wuxuu ku jiray saraakiishii ugu horeysay ee ciidamada military-ga. Wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ugu aqoonta badnaa ciidamada qalabka sida.

Colonel Abdullahi Elmooge Hersi


Colonel Abdullahi Elmooge Hersi oo ka tirsanaa ciidamada qalabka sida ayaa ii sheegay in uu Colonel Cabdullahi Yusuf uu madax u ahaa ciidamada qeybta 60aad waqtigii dagaalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ciidamada uu watay waxaa lagu qiyaasay 35 kun. Wuxuuna saldhigooda ahaa magaalada Baydhabo. Waxay dagaalka ka galeen dhanka koonfurta galbeed.

Wuxuu ahaa aas aasihii maamul goboleedka Puntland. Waqti yar ka dibna wuxuu noqday Madaxweynaha Soomaaliya.

 

 

 photo d1019_zpsd6e89ef6.jpg

 photo d957_zps95d4e5bc.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo d980_zps364668f7.jpg

 photo d956_zps3607d2af.jpg

 photo d918_zps3d37f986.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket

 photo d758_zps6b9a2433.jpg

 photo d771_zps51bdf753.jpg