By Feysal Cumar Abdi Gurey | Mogadishu Times,

Kulan katirsanaa afar dhamaadka Champions league-ga oo ay isaga horyimaadeen kooxaha As Monaco iyo Juventus ayey Old Lady ku adkaatay laba iyo eber.

Gonzalo Higuain ayaa laba gool dhaliyay. Juventus ayaa qaab taxadar leh ku bilaabatay ciyaarta. As Monaco oo gurigeeda lagu ciyaarayay ayaa dhibaato ku abuureysay daafaca Juventus.

Qeybtii hore ee ciyaarta daqiiqadii 29aad Gonzalo Higuain ayaa Juventus hogaanka ugu dhiibay gool qurux badan kadib kubbad ay si wacan jaanta iskula heleen Higuain ,Pjanic, Dybala, iyo Daniel Alves.

As Monaco ayaa heshay fursado dhowr ah oo ay ciyaarta ku bar-bareyn kartay. Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay gool iyo waxba oo ay La Vecchia Signora hogaanka ku haysay.

Qeybtii dambe ee ciyaarta As Monaco ayaa dar-dar ku bilaabatay waxayna isku dayeysay iney iska soo gudo goolka looga hormaray.

Daqiiqadii 59aad Gonzalo Higuain ayaa mar labaad hogaanka u dheereeyay Juventus kadib caawin uu ka helay Daniel Alves.

Daniel Alves aya ciyaarta si weyn uga dhex muuqday wuxuuna gacan ka geystay labada gool ee uu dhaliyay Higuain.

Bianconeri ayaa sii carbuunatay final-ka Champions league-ga oo sanadkaan lagu qabanayo magaalada Cardiff ee caasimada dalka Wales.