By Feysal Cumar Cabdi Gurey | Mogadishu Times,

Juventus vs Barcelona

Ciyaar ka tirsaneyd sideed dhamaad ka Champions league-ga, Juventus ayaa marti galisay Barcelona. Juventus ayaa saddex gool iyo waxba ku garaacday kooxda Barcelona.

Paulo Dybala ayaa  indhaha caalamka ku xaday laba gool oo cajiib ah. Gool ka saddexaadna waxaa raacsaday Giorgio Chiellini.

Juventus oo ciyaarta ku bilaabatay qaab cajiib ah ayay ku qaadatay 7 daqiiqo oo kaliya iney la timaado goolka furitaanka.

7 Daqiiqo marki ay socotay ciyaarta Paulo Dybala ayaa gool ilqabad leh beerka ku jaray Blaugrana waxaana ka caawiyay J. Cuadrado.

Daqiiqadii 22aad, waxaa mar labaad Barcelona ku baashaalay Paulo Dybala, markan wuxuu caawimaad ka helay Mario Mandzukic.

Juventus ayaa qeytii hore ee Ciyaarta soo bandhigtay ciyaar isku dheelitiran waxaana lagu kala nastay labo gool iyo eber oo ay Juventus hoganka ku heysay.

Qeytii dambe ee ciyaarta, Barcelona ayaa dardar ku bilaabatay waxayna isku dayeysay iney ciyaarta dib ugu soo laabato.

Daqiiqadii 55aad Georgio Cheillini ayaa u quus-gooyay Barcelona kadib markii koorno uu soo tuuray Miralem Pjanic uu si cajiib ah madax ugu dhaliyay.

Daqiiqadii 69aad gool kulaad ayaa laga diiday Barcelona kadib markii G.Cheillini uu caganta ku joojiyay kubad uu goosha ku tuuray Suarez.

Ciyaarta ayaa kusoo idlaatay saddex gool iyo eber oo ay guushu ku raacday Juventus. Barcelona ayaa horey ugasoo kabatay guuldaro afar iyo eber aheyd oo ay kala kulantay PSG.

Markaan arintu sidii hore waka duwan tahay, Juventus wa naadi weerar iyo difaacba ka dhisan.

Barcelona weyku adkaan doonta iney kasoo kabsato guuldarada kasoo gaartay Juventus.

BORUSSIA DORTMUND vs MONACO

Ciyaartii maanta ka dhici lahayd Monaco oo ay isaga hor imaan lahaayeen Dortmund iyo Monaco ayaa baaqatay kadib markii la qarxiyay buskii waday ciyaaryahanada Dortmund.

Waxaa ku dhaawacmay ciyaaryahanka Marc Bartra. Waxaa la tilmaamay in uu dhaawaciisu yahay mid fudud. Ilaa iyo hadda lama garanayo cida ka dambeyso qaraxa.

Ciyaarta waxaa la qaban doonaa Arbacada oo ah berito.