By Feysal Cumar Abdi Gurey | Mogadishu Times,

Kulamo ka tirsan horyaalada Spain iyo England oo la ciyaaray maanta.

Horyaal​ka Spain

 Real Madrid oo Stadio Santiago Bernabeu kusoo dhaweysay kooxda Valencia waxay ugu awood sheegatay 2-1.

Goolhaye Diego Alves ayaa qeybtii dambe ee ciyaarta goolkulaad ka bad-baadiyay C. Ronaldo. Los Blancos oo gurigeeda lagu ciyaarayay ayaa ciyaarta ku bilaabatay dar-dar xoogan waxayna qeybtii hore ee ciyaarta la timid goolka furitaanka.

Daqiiqadii 27aad C. Ronaldo ayaa gool madax kudhalis ah u dhaliyay Real Madrid kadib kubad uu soo karoosay D. Calvajal.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa lagu kala nastay 1-0 oo ay ku hogaamineysay Real Madrid.

Qeybtii dambe ee ciyaarta daqiiqadii 57aad  Daniel Parejo ayaa qalad ku galay Luka Modric oo kujira xerada ganaaxa.

Garsoore Jisus Gil ayaa rigoore ku abaal mariray Real Madrid waxana usoo istaagay tuuris teda C. Ronaldo.

Goolhaye Diego Alves ayaa bad-baadin cajiib ah sameeyay wuxuuna ka hor istaagay inu Ronaldo gool u badalo rigooradii loo dhigay.

Daqiiqadii 82aad Valencia ayaa la timid goolka bar-baraha waxaana kubbad laad xor ah u dhaliyay Daniel​ Parejo.

Daqiiqadii 86aad Marcelo Vieira aya real Madrid goolka guusha u dhaliyay kadib caawin uu ka helay Alvaro Morata.

Ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 2-1 oo ay guushu ku raacday Real Madrid.

Catalan Derby Barcelona ayaa 0-3 ku soo garaacday Spanyol ciyaar ka dhacday RCDE Stadium. Balaugrana ayaa goolasha la timid qeytii dambe ee ciyaarta.

Luis Suarez ayaa laba gool dhaliyay halka goolka sadexaad uu raacsaday Ivan Rakitic. Barcelona ayaana dib ula wareegtay hogaanka horyaal Spain.

 

Horyaalka Premier league-ga

Southampton    0-0 Hull City

Stock City          0-0 West Ham United

West Bromwich 0-1 Leicester City

Crystal Palace    0-2 Burnley

Sunderland        0-1 Bournemouth.

Sunderland ayaa toban Sano kadib macsalaameysay Premier League-ga.

Horyaalka Garmalka waxaa koobka qaaday Bayern Munich. Waa markii 5aad oo ay si xiriir ah ugu guuleystaan horyaalka Jarmalka.