By Feysal Cumar Cabdi Gurey | Mogadishu Times,

Manchester United vs Sunderland

Manchester United oo wadada guusha dib ugu soo laabatay. Ciyaar ka dhacday Stadium of light, Man United aya Sunderland ku suuldaartay sadex gool iyo waxba.

30 Daqiiqo marki ay mareysay qeybtii hore ee ciyaarta, Ibrahimovic ayey u suurta gashay inuu gool ku dhaliyo caawin uu ka helay Ander Herrera.


43 Daqiiqo marki ay mareysay S. Larsson aya kaar guduudan oo toos ah loo taagay. Qeybti hore ee ciyaarta waxa lagu kala nastay gool iyo eber oo ay Manchester ciyaarta ku hogaamineysay.

Qeybti dambe marki la isku soo laabtay, United ayey daqiiqad qura ku qaadatay inay la timaado goolkii labaad.

Daqiiqadii 46aad, Luke show ayaa ka caawiyay H. Mkhitaryan inuu goolkii labaad u saxiixo Man United. Daqiiqadii 89aad M. Rushford ayaa ciyaarta gool ku soo xiray.

Everton vs Leicester City

Everton ayaa 4 iyo 2 kaga badisay Leicester City. Waxaa ciyaarta lagu qabtay garoonka Goodison park.




AC Milan vs Palermo

Horyaalka talyaaniga kulamadii la ciyaaray waxaa kamid ahaa:

AC Milan ayaa afar gool iyo eber ugu awood sheegatay Palermo oo marti ugu aheyd San Siro stadium.

Napoli vs Lazio

SSC Napoli oo u baqooshay Lazio. Guuldaro saddex iyo eber ayay garka usoo galisay.

Inter vs Crotone

Naadiga Crotone oo ka carareysa iney heerka labaad u dhacdo waxey guuldaro labo gool iyo gool ah dhabarka usoo saartay Inter.

Real Madrid vs Atletico Madrid




Horyaal ka Spain kulamadii laciyaaray waxa ugu muhiim sanaa:

Derby Madrid oo bar-baro lagu kala baxay. Ciyaarta oo aheyd mid aad u adag ayaanan qeybti hore wax gool ah la iska dhalin.

Qeybtii danbe ee ciyaarta, Real Madrid ayaa jabisay is mariwaagii ciyaarta waxaana gool uu caawintiisa lahaa T. Kross madax ugu dhaliyay daafacooda Pepe.

Daqiiqadii 85aad Atletico Madrid aya heshay goolka bar-bara waxaana u saxiixay A. Griezmann oo caawin ka helay Angel correa.

Pepe aya loo magacaabay xidigii garoonka ugu fiicnaa kadib markuu gool qurux badan dhaliyay iyo difaacasho niyad jabisay Atletico.

Barcelona vs Malaga

Barcelona oo taako loodhigay. Barcelona ayaa guuldaro qaraar kala soo kulantay Malaga oo ay ku booqatay Estadio La Rosaleda.

Qeytii hore ee ciyaarta daqiiqadii 32aad S. Ramirez ayaa gool kaga naxsaday kooxdisii hore kadib caawin uu ka helay saxiibkiis Juan Carlos.




Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay gool iyo waxba ay ciyaarta ku hogaamineysay Malaga.Qeybti labaad ee ciyaarta daqiiqadii 65aad, Neymar ayaa qaatay jaalihiisii labaad garsoore Jesus Gil ayaana u raaciyay kaarka guduudan.

Daqiiqadii 90aad Pablo Fornals ayaa ka caawiyay saaxiibkiis Jony goolkii labaad ee Malaga. Ciyaarta oo ay murano badan hareereyeen waxey kusoo dhamaatay laba gool iyo eber oo ay guushu ku raacday naadiga Malaga.