Xaflad lacag loogu aruurinayay wadada isku xirta magaalada Gaalkacyo iyo magaalada Hobyo ayaa lagu qabtay magaala-madaxda Canada ee Ottawa.

Professor Cabduqaadir Maxamed Shirwac oo ah madaxa gudiga howsha wada ayaa Soomaaliya uga yimid in uu ka war-bixiyo mashruuca wadada.

Soomaali badan oo isugu jira dadka deegaanka iyo Soomaali kale oo aanan degaanka u dhalan ayaa ka qeyb-qaatay dhismaha wadada.

Sida uu Dr. Cabduqaadir Maxamed Shirwac sheegay, dhismaha wadada waxaa lagu qiyaasay in ay ku kacayso $13 milyan.

Wadada dhirirkeeda waa 260 km. Ilaa iyo hadda waxaa la dhisay 53 km oo ah intii ugu dhibka badnayd ee boholaha lahayd.

60-ka km ee boholaha leh waxay u dhexeysaa Wisil iyo Gawaan. Professor Cabduqaadir wuxuu soo maray Africa, Yurub iyo America oo dhamaantood lacag ku yaboohay mashruuca wadada.

Professor-ka wuxuu Axada arkayaa Soomaalida degan magaalada Edmonton, AB.

Prof. Cabduqaadir Maxamed Shirwac wuxuu hore u dhisay jaamacada Gaalkacyo University waana madaxa jaamacada.