By Feysal Cabdi Cumar Gurey | Mogadishu Times,

Barnaamij ka ciyaaraha waxaan maanta oo Sabti ah idinkugu heyna kulamadii dhacay maanta kuwoodii ugu waaweynaa ee horyaalada Europe:

Real Madrid vs Sporting Gijon

Real Madrid ayaa guul ciriiri ah kasoo gaartay Sporting Gijon. Macallin ka kooxda Real Madrid Zinadin Zidane ayaa is badal weyn ku sameeyay shaxdii uu Arbacadii kala hortagay Bayern Munich.

BBC ayaanan maanta ciyaarin. Gareth Bale ayaa dhaawac ku seegay ciyaarta halka Benzema iyo Ronaldo la nasiyay. Modric, Kroos iyo Casemiro ayaa kursiga keydka ka daawanayay ciyaarta.

Sporting Gijon oo gurigooda lagu ciyaarayay ayaa goolka ku hormartay waxaana daqiiqadii 14aad u dhaliyay Duje Cop oo caawin ka helay Mikel Vesga.

Real Madrid ayaa jawaab dag dag ah ka bixisay goolka lagala hormaray. Daqiiqadii 17aad Francisco Alarcón Isco ayaa gool qurux badan ciyaarta bar-baro kaga dhigay.

1-1 ayaana qeybtii hore lagu kala nastay. Qeybtii dambe markii la isku soo laabtay Sporting Gijon oo ciyaar wanaagsan soo bandhigtay ayaa marlabaad ciyaarta hoganka u qabatay.

Daqiiqadii 50aad Mikel Vesga ayaa kubad madax ku dhalis ah daba mariyay goolhaye Francisco Casilla kadib markuu waacin kahelay J. Babin.

Daqiiqadii 59aad Alvaro Morata ayaa Real Madrid ciyaarta dib ugu soo  celiyay. Daqiiqadii 90aad Isco oo ahaa xidigii garoon ka ayaa Real Madrid u dhaliyay goolka guusha waxaana ka caawiyay Marcelo oo ciyaarta badal kusoo galay.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-3 ay Real Madrid guusha kula hoyatay.

Barcelona vs Real Sociedad

Barcelona ayaa guul dirqi ah ka gaartay Real Sociedad. Barcelona oo soo dhaweysay R. Sociedad ayaa si dhib ah 3-2 uga badisay.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa aheyd mid aad u xamaasadeysan iyadoo shan gool ay iska dhaliyeen labada kooxood.

Waxaa goolasha bilaabay kooxda martida loo ahaa ee Bluagrana oo uu hogaanka u dhiibay Lionel Messi daqiiqadii 17aad.

Xidiga reer Argentina ayaa kubad uu kasoo tuuray banaanka xerada ganaaxa cuskiyay shabaqa Real Sociedad.

Daqiiqadii 37aad  Messi ayaa mar labaad shabaqa kasoo taabtay R. Sociedad. Daqiiqadii 42aad I. Martínez ayaa ku qasbay S. Umtiti inu gool iska dhaliyo.

Daqiiqadii 44aad Leo Messi ayaa ka caawiyay Paco Alcacer inu hogaanka u sii dheereeyo Barcelona. Daqiiqadii 45aad Xavier Prieto ayaa R. Sociedad gool u dhaliyay kadib caawin uu ka helay Willian Jose. Qeybtii hore ee ciyaarta ayaana lagu kala nastay 3-2 Real Sociedad Lagu hogaaminayay.

Qeybtii dambe ee ciyaarta ayaan wax gool ah la iska dhalin, ciyaarta ayaana kusoo dhamaatay 3-2 oo ay Barcelona guushu ku raacday.

 

Horyaalka Talyaaniga:

Inter vs Ac Milan

Inter Iyo Ac Milan oo bajeero  2-2 ah ku kala baxay kulankii Derby della Madonnina.

Roma vs Atlanta

Ciyaartii Roma iyo Atlanta ayaa ku dhamaatay bar-baro gool iyo gool ah.

Juventus vs Pescara

Jevuntus ayaa labo iyo eber ugu awood sheegatay Pescara

Napoli vs Udinese

Napoli ayaa saddex iyo eber kaga badisay kooxda Udinese

 

Horyaal ka Premier league-ga kulamadii la ciyaaray waxaa ugu door roonaa:

Manchester City oo 0-3 kusoo xasuuqday Southampton. Tottenham Hotspur oo  guuldaro 4-0 ah dhabarka u saartay AFC Bournemouth iyo Crystal palace iyo Leicester city oo bar-baro 2-2 ah ku kala baxay.