By Feysal Cabdi Cumar Gurey | Mogadishu Times,

Real Madrid vs Bayern Munich

Real Madrid ayaa guul ay u baahnaayeen Allianz Arena ku soo gaaray kadib markii ay 1:2 ku soo dardareen toban ciyaartoy oo Bavaria ah.

Kulankaan ayaa ahaa kulan si wayn loo sugayay tan iyo markii isku aadka sideed dhamaadka Champions leaque-ga la sameeyay.

Real Madrid ayaa ciyaarta ku bilawday qaab ciyaareed fiican iyada oo Bayern Munich ilaa 20 kii daqiiqo ee ugu horeeyay argagax ku abuurtay.

Bavaria ayaa ciyaarta si qabow ugu soo laabanaysay waxayna ugu danbayn hurdada ka tooseen markii la soo gaadhay daqiiqadii 25aad.

Daqiiqadii 18aad Real Madrid ayaa heshay fursad Qatar ah. Karin Benzema ayaa kubad madax ah goosha labeegsaday, waxaase bad-baadin cajiib ah sameeyay Manuel Neuer kubadii uu iska saaray ayaa birta kusii dhacday dibna u qabsaday.

Daqiiqadii 25aad Bayern Munich ayaa la timid goolka furitaanka. Arturo Vidal ayaa madax ku dhaliyay koorno uu soo tuuray Thiago Alcantara.

Daqiiqadii 45aad, Carbajal ayaa gacan ku celiyay darbo uu goosha ku tuuray Ribery. Rigoore lagu abaal mariray Bayern Munich waxa hawada marsiyay Arturo Vidal.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii dambe ee ciyaarta Real Madrid ayaa dardar xoogan lasoo laabatay waxayna markiiba bilawday in ay raadiso goolka barbaraha si ay ciyaarta dib ugu soo laabtaan.

Daqiiqadii 47aad, Cristiano Ronaldo ayaa kooxdiisa Los Blancos u keenay goolka ay sida wayn ugu raad joogtay kadib markii uu gool caawin cajiib ah ka helay Daniel Carvajal kaas oo uu soo karoosay kubbad qurxoon wuxuuna Ronaldo hal taabasho oo qurux badan ku dhamaystiray goolka isaga oo Neuer u diiday in uu wax badbaadin ah sameeyo  ciyaarta ayana noqotay barbaro 1:1 ah.

Daqiiqadii 61aad Javier Martínez ayaa afar daqiiqo gudahood ku qaatay laba kaadh oo digniin ah waxana loo raaciyay kaarka guduudan. Waxaana Bavaria lagu soo yareeyay 10 ciyaartoy.

Daqiiqadii 77aad, Real Madrid ayaa dhaaftay iska caabintii Manuel Neuer waxaana goolkiisa labaad ahaana goolkiisii 97aad ee Champions league-ga dhaliyay Cristiano Ronaldo waxaana ka caawiyay Marco Asensio.

Zinedine Zidane ayaa guuldaro qaraar soo baday macalinkii uu caawiyaha Bernabeu ugu soo ahaa ee Carlo Ancelotti. Ciyaarta ayaana kusoo dhamaatay 1:2 oo ay guushu ku raacday Real Madrid.

Waxaa todobaadka dambe lagu balansan yahay lugta labaad oo ka dhici doonta garoonka Santiago Bernabeu.

 

Atletico Madrid vs Leicester City

Atletico Madrid ayaa hal iyo eber kaga badisay Leicester City. Goolka oo ahaa rigoore ayaa muran badan dhaliyay.

Monaco vs Borussia Dortmund

Monaco ayaa saddex iyo labo ugu awood sheegatay Dortmund. Ciyaarta waxay ka dhacday magaalada Monaco