By Feysal Cumar Abdi Gurey | Mogadishu Times,

Kulan ka tirsanaa afar dhamaadka Champions league-ga oo dhex maray kooxaha ka wada dhisan caasimada dalka Spain ee kala ah Real Madrid iyo Atlètico Madrid ayay Real Madrid 3-0 ku dar-dartay dhigeeda Atlètico  Madrid.

Los Merengues oo gurigeeda lagu ciyaarayay ayaa soo bandhigtay ciyaar ilqabad leh halka Los Colchoneros ay guntiga dhiisha isaga dhigtay.

C. Ronaldo ayaa sadexley dhaliyay. Qeybtii hore ee ciyaarta C. Ronaldo ayey ku qaadatay 10 daqiiqo oo qura inuu jabiyo xeyndaabka daafaca Atlètico.

Daqiiqadii 10aad Ronaldo ayaa madax xoogan ku dhaliyay kubbad uu caawin teeda laha Casemero. Goolkan ayaa ahaa goolkii 101aad ee tartamada horyaalada Yurub.

Qeybtii hore ee ciyaarta Los Blancos ayaa iska lumisay fursado badan oo ay gool ku dhalin kartay waxana lagu kala nastay gool iyo eber oo ay Real Madrid ku hogaamineysay.

Qeybtii dambe marki la isku soo laabtay Real Madrid ayaa meesheeda kasii waday cadaadiskii ayku heysay Atlètico.

Daqiiqadii 73aad Ronaldo ayaa marlabaad shabaqa kaso taabtay Los Rojiblancos kadib caawin uu ka helay Benzema.

Atlètico Madrid ayanan soo bandhigin qaab ciyaareedkii looga bartay. Daqiiqadii 86aad C. Ronaldo ayaa dhameystiray sadexley  kadib caawin uu ka helay Lukas Vasquez.

Real Madrid ayaa lug la sii gashay final-ka Champions league-ga.