‘Rhine II’ by Andreas Gursky. Sawirka ugu qaalisan dunida. Waxaa lagu gatay $4.3 milyan.

Sawirada lagu qaado camerada kan ugu qaalisan waxaa lagu gatay $4.3 milyan. Waxaa lagu magacaabaa ‘Rhine II’ waxaana sawiray sawir-qaade Jarmal ah oo la yiraahdo Andreas Gursky.

Waxaa yaab leh sawirkan sidaa qaaliga u ah kama muuqato lacagtaa iyo wax u dhaw. Waxaa kaloo la dhihi karaa waa sawir caadi ah.

Waa wabi dhex-mara dhul cagaaran. Wabiga iyo cirkana waa gray.

Quburada sawirada ka hadasha waxay ku sheegeen in uu yahay sawir cajiib ah, waxay ku sheegeen in uu sawirka yahay mid qurux badan oo nool oo xasuus kugu reeba.

Intii uusan Andreas Gursky sawir-qaade noqon waxaa sawir-qaade ahaa abihiis iyo awoowgiis. Ma uusan jecleyn in uu sawir-qaadi noqdo. Waqti dambe ayuu bilaabay in uu qaato wadadii reerkiisa.

‘99 Cent II Diptychon’ by Andreas Gursky. Sawirkan waxaa lagu gatay $3.35 milyan.

Sawirkan oo kaliya kuma koobna nasiibkiisa. Waxaa jira sawir loogu magac-daray ‘99 Cent II Diptychon’. Sida aad wada aragtaan sawirka waxaa laga qaaday dukaan dhexdiisa wuxuuna u egyahay Dollar Store laakiin waxaa lagu gatay $3.35 milyan.

Magaca sawirka wuxuu ka yimid banner-ka weyn ee ku qoran 99 Cent. Sida sawirkii hore oo kale kana waa ka aradan yahay lacagta.

Inta badan sawirada qiimaha badan lagu sheego marka aad fiiriso isha ayaad ku haynaysaa waqti badan. Waa ku soo jiidanayaan. Intaba malaha labadan sawir ee Andreas Gursky. Waxaan maqli jirtay maah maah Soomaaliyeed oo dhahaysa “Ilaahey ma kuu gar-gaaraa mise gedi cad ayuu kuu tuuraa.”