By Farah Aw-Osman,

Maamulka ay hogaanka u hayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre waa maamul ku yimid isbadel doon iyo rabitaan shacab, shacabkaas oo ka dhiidhiyay faragelinta shisheeyaha iyo dhaga-nuglaanta ay diciifnimadu ku dheehnayn ee ay muujiyeen madaxdii masiirka dalka iyo dadka lagu aaminay.

Dareenkaas kor ku xusan ayaa keentay in Madaxweyne Farmaajo helo cod aqlabiyad ah, kasbadayna kalsooni iyo taageerada shacabka Soomaaliyeed dal gudo iyo dibadba.

Hadaba waxaa isweydiin mudan kalsoonida shacabka iyo taageeradoodu ma mid sii jiri doonta baa mise waa mid shuruudo wadata?.

Taariikhdu waxay na tusaysaa in Madax badan oo ku timid rabitaan shacab aakhirkii isla shacabkaasi ay tureen, tufeen kadibna talada iyo kalsoonida kala noqdeen masuuliyiintaas iyaga ah.

Soomaalidu waxay tiraahdaa “Mayd kee ugu danbeeyay, saa la ye kaa la sii sido”, Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa noogu filan tusaale ku aadan masuul lagu soo dhaweeyay sacab iyo mashxarad, aakhirkiina Washimsi lagu qaaday….  Waxaa laga soo weriyay Madaxweyne Xassan Sheekh in uu asxaabtiisii ku yiri kadib markii lacag dhowr iyo toban milyan laga cunay, doorashadiina uu ku guulaysan waayay “Ma moodayn in sidaas la ii nacay”….. Odhaahdaasi xigmid weyn ayay xambaarsan tahay, taas oo ku tusinaysa sida qofku marka uu madax noqdo uusan ula socon dareenka dadka wixii doonaba sababtu ha noqotee.

Sidaa awgeed, waxaa hubaal hadii dowladaani wax horumar ah la taaban karo ku talaabsan weydo, waxyaalaha durba lagu saluugayna sixi waydo inay dhumin doonto rabitaanka iyo taageerada shacabka. Hadaba, anigoo taa ka duulaya ayaan is iri tolow ma hoboonaan lahayd inta goori-goor tahay in talo la siiyo maamulkan cusub si aysan iyaguna u fashilmin, hambada Soomaali ka soo hartayna aysan masiirka iyo mustaqbalka uga dhumin sida kuwii horeba uga dhumiyeen.

Qorshaha iyo Jihada Maamulkan:

Ilaa hada ma cada Jihada “direction” ama Qorshaha ay dowladaani hiigsanayso ama doonayso inay dalka ku hogaamiso. Tusaale ahaan, Dowladii Xassan Sheekh waxay samaysatay lix qodob oo ay hiigsanaysay, taasoo saamaxday in dowladaasi noqotay mid la timid wax cad oo lagula xisaabtami karo ama ha gaarto ama haka gaabisee. Nasiib-daro way ku fashilmatay mana hirgelin wixii ay balan qaaday dowladii hore, oo waxaa ka soo dhexgalay barnaamij hoosaad Villa Somalia ka socday oo “dib u doorasho” kaas oo ay aasaas uga dhigtay wax kastoo ay qabanaysay.

“Leadership is not about the next election, it’s about the next generation”. Simon Sinek

Sidaa awgeed, waa lama-huraan in dowladaani samaysato qorsho qoran, qaabaysan oo qodabaysan, kaas oo ay cadahay waxa la hiigsanayo waxa uu yahay, sida lagu gaarayo, cida fulinaysa iyo wakhtiga lagu gaarayo qodob kasta ama qorshe kasta.

Waxaa jira Qorshe horumarineed oo ay Wasaaradda Qorshayntu dejisay iyadoo la tashatay Maamuladda xubnaha ka ah Federaalka, qorshahaasi maaha mid kulan-saday wax kasta oo ay dowladi qabato, balse waa mid diirada lagu saarayo dhinaca horumarka. Qorshaha dowladu waa ka duwan yahay kaas oo waa mid u baahan in Ra’iisal Wasaaruhu la yimaado qorshe dowladeed oo kooban kaas oo afarta sano oo ay haystaan ku hirgeli kara… Tusaale ahaan: qorshaha dowlada Khayre Ra’iisal Wasaaraha ka yahay wuxuu noqon karaa dhamaystirka Dastuurka, Dhisida Ciidan isku dhafan oo astaan qaran u qalma, Dib u heshiisiin dhab ah, saamaxis iyo wada hadal loo furo Al-Shabaab intooda diyaarka u ah, Dakhliga Canshuurta oo la baahiyo lana xakameeyo, Amniga Caasimada oo la sugo, Maamulka Federalka oo la baahiyo Villa Somaaliyana dhaafa iwm…

Helista Shaqaale Tayo iyo Tacliin leh:

Dowladi waxay dowlad ku noqotaa oo ahdaafteeda iyo qorshayaasheeda ku gaadhaa inay hesho how-wadeeno khibrad, tacliin iyo tayo leh, kuwaas oo lagu soo xulay howl-karnimo, karti, hufnaan iyo wixii ay hore u soo qabteen. Sidoo kale Wasaarad kasta, Wakaalad kasta iyo Waax kasta madax looga dhigo masuul yaqaan howshaas iyada ah.   Waxaa intaa sii dheer in maadaama Dowladu Federaalku ay tahay dowlad dadka Soomaaliyeed wada leeyihiin waa in la xaqiijiyaa in Wasaarad kasta ay ka kooban tahay dhamaan ummada Soomaaliyeed ee aysan noqon goob beeleed hadba wasiirka haystaa uu jifadiisa ku soo daabul.

Sida muuqata waxaa durba soo ifbaxay saluug ku aadan Shaqaalaha Madaxtooyada, xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyo weliba qaar ka mid ah Gollaha Wasiirada Cusub:

“Surround yourself with smart people that disagree with you.”  Nancy McFadden

Shaqaalaha Madaxtooyada:

Waxaad moodaa in shaqaalaha Xafiiska Madaxweynaha inta dikireeyo Madaxweyne lagu magacaabay ay ka badan yihiin kuwo kale oo aan la garanayn doorkooda iyo darajada ay ku magacaaban yihiin. Ciladaas oo hore loo ogaana waxay ceebteedii soo baxday Shirkii uu Madaxweynuhu ku tegay Turkey. Shirkaasi oo ahaa shirarkii dibada ee uu madaxweynuhu u baxay kii ugu muhiimsanaa. Kaas oo la filayay inay waftiga ka mid noqdaan howlwadeenada ay ugu horeeyaan wasiirada ay khusaysay arimaha laga wada hadlayay. Nasiib daro, waxaad arkaysaa marka Madaxweynaha Turkigu uu qaabilayay waftiga madaxweynaha Soomaaliya isagoo la hadlaya xubnaha oo saf dheer ku jiray, in qaarkood intuu la yaabay da’yaridooda weydiinayo intay jiraan, halka kuwo kalena ay sheegteen darajooyin “titles” aan cidi horay u ogayn wareegto madaxweynena aan lagu sheegin lana shaacin. Sidoo kale waxaad arkaysaa shirar xasaasi ah oo “Dowlad iyo Dowlad” loo wada hadlayo oo ay fadhiyaan afraad aan la garanayn xilka ay dowladaaan “gaar ahaan xafiiska Madaxweynaha” ka hayaan iyo mansabka ay ku magacaaban iyo, kaba sii daranoo waxaa shirarkaasi ka dhex muuqday shaqsiyaad kartirsan Xarakada diimeen ee Ahla Sunah Wal Jamaaca, kuwaas oo aan dowlada ka tirsanayn.

Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyo Gollaha cusub ee Wasiiradda:

Waxaa jira saluug shacabku guddo iyo dibadba muujiyay oo ku aadan wasiirada qaar oo aan khibrad, xirfad iyo aqoon u lahayn mansabka loo magacaabay. Khasab maaha in wasiir kasta meel uu hore uga soo shaqeeyay loo dhiibo, laakiin waxaa jira wasaarado halbowle u ah hanaan socodka dowlada, wasaaradahaasi oo ay lama huraan tahay inay hogaanka u qabtaan dad aan wakhti ku dhumin la qabsi iyo khaladaad protocol iyo diblomaasi.

Sidoo kale shacabka oo aad moodid inay ku hanweynaayeen in isbedelkaan cusubi keeni doono wajiyo cusub ayaa arinkaasi ku hungoobay, kadib markay ku waaberiisteen shaqaalihii Madaxweyne Xassan Sheekh oo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha halbowle u noqday howlwadeenana ka ah.

Sidaa awgeed, ka fursan mayso in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre ay shaqaalaha xafiisyadooda iyo Gollaha Wasiirada dib u eegaan, dibna u habeeyaan si uusan hoos ugu dhicin hankii lagu qabay, aysana u dhumin kalsoonida shacabka Soomaaliyeed iyo mida beesha caalamkaba.

Masuul kasta xilka loo igmaday oo loo gacan baneeyo:

“Surround yourself with the best people and then get out of their way. Give them a chance to exceed your expectations and they usually will.” ~Anne Sweeney

Masuul markii shaqo loo igmado waxaa dowgu yahay ama “professionalism” ah in loo madax baneeyo masuuliyadaas iyada ah. Doorka Ra’iisal Wasaaruhu waa xaqiijiye iyo la xisaabtame, gudoomiye iyo go’aamiye, ee maaha howl fuliye faraha la galaya howlaha hoose, mana aha inuu wasiiradiisa u gacan dhaafo shaqadooda. Taasi waxay keenaysaa isku dhac, kalsooni daro iyo in masuuliyiinta qaar shaqada isaga tagaan ilayn qofna ma jecla inuu maqaarsaar noqdee.

Tusaale ahaan: Hadii Ra’iisal wasaaruhu doonayo inuu dib u eego tacliinta, tayada iyo wax qabadka shaqaalaha laamaha kala duwan ee dowlada, waxaa lama huraan ah inuu arintaasi ka dhigo qodob ka mid ah qodobada dhow “short-term goals” ka dowladiisa, hor dhigo shirka gollaha wasiirada, kadibna u irkado wasiirka wasaarada Shaqada iyo Shaqaalada. Sidoo kale haduu rabo inuu ogaado dakhliga dowladda soo gala rabana inuu xakameeyo kana hortago dhunsashada hantida qaranka waa inuu Wasiirka Maaliyadda, Gudoomiyaha Bangiga Dhexe, Maareeyayaasha Dekeda, Airport iyo laamaha kale ee canshuuraha isugu yeeraa, la tashadaa, kadibna qorshe cad oo masuul kasta waxa ay tahay inuu qabto ama laga filan karo sameeyaa, iclaamiyaana shir bille ama laba bille ah oo lagu kala warqaato.

You cannot mandate productivity, you must provide the tools to let people become their best. —Steve Jobs

Ra’iisal Wasaaruhu waa unuu dhiirigeliyaa, geesinimo geliyaa, howlahoodana u fududeeyaa Wasiirada. Wixii warbixin ah uu ka dhagaystaa kolkay yimaadaan shirka Gollaha Wasiirada. Waana jidkaas kan keliya ee lagu gaari karo kalsooni iyo wada shaqan dhex marta Ra’iisal Wasaaraha iyo Wasiiradiisa.

Waa hubaal inaan laga fursanayn in Ra’iisal Wasaaruhu booqdo wasaaradaha kala duwan si uu ugu kuurgalo shaqada socota iyo wixii caqabadan jirta.

Isla shaqaynta Masuuliyiinta Qaranka iyo kala madax banaanida 3 laamood ee dalka:

Tan iyo burburkii dowlada dhexe ee 1991, dagaaladii qabaliga ahaa ka sokow, waxa dowlad kasta oo la dhoodhoobo fashilinayay waxay ahayd khilaafka Madaxda dalka, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha. Sidoo kale isku dhex milanka 3 laamood ee dalka; Garsoorka, Xeer Dejinta “Labada Golle” iyo Fulinta “Dowlada”. Dhibkaasi maaha inaysan jirin ama cadayn shaqada laamahaas iyo masuuliyiintaasi kala leeyihiin, balse badanaa waxa dhibka keenayay waa in ama masuul ama laan ka mid ah laamuhu faraha la gasho ama ku xadgudubto shaqo masuul kale ama laan kale.

Sidaa awgeed, si ay dowlada Farmaajo iyo Kheyre u hana qaado uguna dhicin dabinkii ay ku dheceen dowladihii ka horeeyay, waxaa lama huraan ah inay is qadarin, wada shaqayn, isku kalsooni iyo isla-tashi ku wada shaqeeyaan. Sidoo kale, waa inay labada laamood ee kale (Garsoorka iyo Fulinta) aysan isku dhex milmin, balse ku dadaalaan siday u xaqiijin lahaayeen kala madax banaanida laamahaasi iyaga ah.

Wada Shaqaynta Dowlada Dhexe iyo Maamuladda Xubnaha ka ah Federaalka:

Dalku wuxuu ku shaqaynayaa nidaam Federaali ah oo ka duwan kii aynu aqoon jirnay ama ay ku howlgeli jireen dowladii hore. Sidaa awgeed waa inay isku dayaan masuuliyiinta dowladu inay bal daraasadeeyaan habka wada shaqayneed ee “wadamaada Federalka” ahi ula falgalaan dowladaha xubnaha ka ah dalalkooda.   Dabcan dalkasta duruufo u gaar ah ayuu leeyahay, waa tiiyoo Dastuurka Dalku uu weli qabyo qoraal yahay, Tartan iyo xusul duubasho siyaasadeedna ay ka dhexaysaa Dowlad Goboleedyada, Khilaafaad Xudeedeedna ay jiraan, ay jiraan Gobolo iyagoon shuruudihii buuxin la ictiraafay halka kuwo kalena “disputed” lagu tilmaamay oo aan weli arinkoodu dhinac u dhicin, kuwo xubno wasiiro iyo Xildhibaano ku leh dowlada Federaalka ah ay jiraan hadana aan ka tirsanayn dowlada balse dal kale sheeganayaan, Madaxweynayaal aan magaalo-madax ka badan ka talin jiraan halka kuwo kalena caasumad ku meel gaar ah ku howl galaan.. iwm…. Arimahaan oo dhan ayaa caqabad ku noqon doonta ama ku ahba helitaan xiriir taabo gal ah oo dhex mara Dowlada dhexe iyo Xubnaha Federaalka.

Sidaa awgeed, dowladaani waa inay isla tashi kadib dedejisaa ansaxinta Dastuurka Dalka , unugtaana Maxkamadii Dastuurka , si wixii khilaafaad ah sharci lagu xalin karo oo lagu wada kalsoonaan karo loo helo.

Gunaanad:

Ummadda Soomaaliyeed waxay u hamuuman yihiin dowlad u cadaalad fasha, waxay u bohol yoobeen hashii Maandeeq iyo midnimadii, waxay u baahan yihiin nabad, wadajir, iyo horumar jiilka soo socda u horseedi mustaqbal ifaya. Ummadda joogta iyo jiilka soo socdaa kuma qiimayn doonaan madaxdooda khudbadaha macaan oo ay jeediyaan, balan qaadyada ay sameeyaan iyo dhagax dhig aan dhamaystir lahayn, balse waxay ku xusi doonaan oo ku xusuusan doonaan wax qabad taam ah oo la taaban karo kolkay ku talaabsadaan. Waana taas mida looga fadhiyo Madaxweyne Farmaayo iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre.

 

By Farah Aw-Osman

awosman@gmail.com

 

The views expressed in this article are the author’s own and do not necessarily reflect Mogadishu Time’s editorial policy.