Baarlamaanka gobolka Minnesota ayaa Isniintii May 15, u codeeyay sharci lagu ganaaxayo waalidiinta guda gabdhahooda.

Xildhibaanada intooda badan ayaa u codeeyay sharcigan. 124 Xildhibaan ayaa u codeeyay sharcigan adag.

Sharciga cusub, waalidiinta waxay muteysanayaan 5 ilaa 20 sano oo xarig ah waxaana laga qaadanayaa caruurta ay dhaleen.

Dhaqtaradii dhawaan lagu eedeyay in ay gabdhaha ku guday gobolka Michigan ayaa sabab looga dhigay sharcigan adag.

Gabdhaha lagu eedeyay in ay guday waxaa ku jiray labo gabdhood oo 7 jir ah oo Minnesota laga keenay. Inkastoo aanan la sheegin wadanka ay kasoo jeedaan haddana dad badan ayaa aaminsan in ay yihiin Soomaali. Soomaali badan ayaa degan gobolka Minnesota, waxaa lagu qiyasaa 60 kun.

Haddii ay ansixiyaan aqalka sare, dhawaan ayuu noqonayaa sharci. Sidoo kale waxaa xarig muteysanaya dhaqaatiirta guda caruurta.

Sida ay sameyaan dowlada Ingiriiska, waxaa la tababarayaa shaqaale markiiba garta caruurta dibada loo qaado ee lasoo gudo.

Waladiinta caruurta dibada u qaado ee soo guda waxay la mid yihiin kuwa lagu gudo Mareykanka waxayna muteysanayaan xabsi gaaraya 20 sano, caruurta oo laga qaato iyo in la musaafuriyo haddii aysan haysan dhalashada Mareykanka.

Dhaqankan maaha mid diin ku saleysan sida ay sheegeen culumada. Waa dhaqan xun oo dhibaateeya nolosha gabdhaha. Wuxuu ku keenaa caafimaad xumo, mararka qaarna ilmo la’aan.