Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lacag loogu aruurinayay abaaraha Soomaaliya ayaa ka dhacday magaala madaxda wadanka Canada ee Ottawa.

Waxaa xaflada ka soo shaqeeyay oo isku dabariday The Somali Relief Network of North America.

Waxaa kasoo qeyb galay bulshada qeybeheeda kala duwan. Waxaa si gaar ah gacan weyn uga qaatay ganacsatada iyo ardada magaalada Ottawa.

Waxaa kasoo qeyb galay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta magaalada Ottawa oo uu ka mid yahay duqa magaalada Ottawa Jim Watson iyo John Fraser oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Ontario.

Waxaa kale oo ka soo qeyb galay dhalinyaro gabayda. Fatuma Hussein oo soo qaban qaabisay barnaamijka ayaa sheegtay in aysan ahmiyadoodu ahayn in ay lacag aruuriyaan marwalba oo ay abaaro dhacaan balse ay tahay in ay xal u helaan dhibaatada soo noq-noqoneysa marwalba.

Waxay Fatuma tilmaantay in ay muhiim tahay in laga shaqeeyo sidii loo heli halaa xalka dhibaatadan.

Aisha Moallim oo ah gabar dharka sameysa ayaa sheegtay in ay lacagta dharka ay gado ugu deeqi doonto abaaraha Soomaaliya, shirkadeeda waxaa lagu magacabaa Ahlam Boutique waxayna goobta kusoo bandhigtay dhar aad u qurxoon oo ay sameysay.

Waxaa kale oo barnaamijka qeyb ka ahaa urur lagu magacaabo HCI Child Sponsorship Program oo ka shaqeeya Soomaaliya.