Xaflad si sare loo soo agaasimay oo loogu magac-daray Somali Cultural Festival ayaa Sabtidii lagu qabtay magaala madaxda Canada ee Ottawa. Magaalada Ottawa ayaa July 29, u aqoonsatay maalin laga xuso loona dabaaldego Somali Cultural.

Waxaa xaflada qeyb ka ahaa oo soo qaban-qaabiyay City of Ottawa iyo jaaliyada Soomaalida ee Ottawa ee Somali Centre for Family Services.

Waxaa ka soo qeyb-galay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo qaar ka mid ah madaxda magaalada ee uu ugu horeeyo duqa magaalada Ottawa Jim Watson iyo qaar kale.

Waxaa goobta lagu soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ee Soomaalida iyo madadaalooyin kale.